Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo safar shaqo ku gaaray dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa ka qeyb galay Madasha Aragti-wadaagga Soomaaliyeed ee Heritage, taas oo lagu gorfeynayoy caqabadaha jira Gobolka oo ay ugu horreeyaan aragagixisada, Isbeddelka Cimilada iyo abaaraha soo noq-noqday ee aafeeyay gobolka.
Day: December 6, 2022
ATMS oo u hambalyeeysay ciidamada DF qabashda Aadan Yabaal
Ergayga Gaarka ah ee Guddoomiyaha Golaha Midowga Afrika Danjire Maxamed Al-Amiin Seyf, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xoreynta Aadan Yabaal, magaalo dhacda Gobolka Shabeellada Dhexe oo kooxaha argagixisada u ahayd xarun ay ku tababartaan.
Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday kolonyo ciidamada Kenya
Wararka laga helayo gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa sheegaya in gelinkii dambe ee Isniintii ay xubno ka tirsan Al-Shabaab weerar khasaare kala duwan ka fuliyeen deegaan hoostaga magaalada Gaarisa ee Waqooyi Bari.
Xasan Sheekh oo sheegay shacabkii Aadan Yabaal inay af-duubteen Al-Shabaab
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta khudbad u jeediyay shacabka Soomaaliyeed ayaa ka hadlay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socdo waddanka.
Maxay tahay safarka Jabuuti ee Xasan Sheekh
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta ku wajahan dalka Jabuuti, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan munaasabadda xeritaanka Shirka Heritage.
Xasan Sheekh ” Wada – hadallada Dowladda Federaalka & Somaliland dib ayay u bilaaban doonaan “
Muqdisho ( Raxanreeb ) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh maxamuud oo la kulmay safiirrada Turkiga iyo Norway ayaa sheegay in ay ka go’antahay in uu dib u soo celiyo Wada-hadalladii Somaliland iyo DFS. Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa tilmaamay in rejo wanaagsan uu ka qabo mira- dhalka wada hadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Somaliland oo in muddo ah...
ATMS oo sheegtay in howlgalka ka dhanka Al-Shabaab ay uga weyb qaadanayan duqeymo cirka ah
Howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS Soomaaliya ayaa shaaciyay in ATMIS ay diyaar u yihiin inay sii wadaan taageerada howlgalka dhinaca cirka ah ee Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ay ku qaadayaan Ururka Al-Shabaab.