Muqdisho ( Raxanreeb ) dhawr hoobiye ayaa lagu soo waramayaa in caawa ay ku dhaceen agagaarka Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho. Ilaa iyo 5 Hoobiye ayaa ku soo dhacay agagaarka Madaxtooyada halka mid kamid ah uu kusoo dhacay degmada Xamar weyne . Waxyeelada lama oga , mana jirto wax war ah oo ka soo baxay...
Month: December 2022
Ururka Al-Shabaab ayaa iskaga baxay deegaanka Galcad
Faah faahino dheeraad ah oo kasoo baxay Galgaduud, ayaa sheegaya in Al-Sabaab isaga baxeen degmada Galcad ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo muddo tobannaan sano ah ay haysteen.
Ilhaan Omar ma waxay dhex-dhexaadinaysaa Dowladda Federaalka & Puntland ?
Muqdisho ( Raxanreeb ) Xildhibaan Ilhaan Cumar oo ka tirsan Aqalka Wakiillada dalka Maraykanka ayaa socdaal siyaabo kala duwan loo tarjumay ku kala bixinaysa Muqdisho iyo Garoowe. Gabadhan ayaa deegaannada Puntland waxa ay kulamo kula soo qaadatay ismida maamulkaas oo inta badan marka fagaarayaasha la joogo ay kala hadashay geeddi socodka dowladnimo ee maamulka Puntland. Hase...
Gaari weyn oo ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha iyo Khasaaro badan oo ka dhashay.
Muqdisho ( Raxanreeb ) Gaari weyn oo nuuca xamuulka qaada ah aya ku bareeg goostay Suuqa Bakaaraha gaar ahaan wadada Jid Mareexaan , waxaana shilkan ka dhashay khasaaro badan. Inta la xaqiijiyay hal gabar ayaa shilkaasi ku geeriyootay halka ay ku dhaawacmeen dad ka badan toban qof, dadka dhaawacan ayaa qaarkood qaba dhaawacyo culus. Allaha...
Xiisadda Kosovo iyo Serbia oo kasii dartay iyo Belgrade ‘oo heegan gelisay’ ciidankeeda
Ciidamada Serbia ayaa la geliyey “heegankii ugu sarreeyey,” waxaa sidaas sheegay Wasiirka Difaaca Milos Vucevic, isaga oo muujinaya xiriirka sii xumaanaya ee dalka ku yaalla Balkans-ka kala dhaxeeya dalka deriska la ah ee Kosovo.
Al-Shabaab ayaa dilay labo qof weerar ay ku qaadeen Kenya
Faah faahino dheeraad ah, oo kasoo baxaya dalka Kenya ayaa sheegaya in ururka Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen deegaanka Pandaguo ee ismaamulka Lamu ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare kala duwan.
Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo gaaray Mekelle
Waxaa caasimadda gobolka Tigray ee Maqalle ka dagay Wafdi ka socday dowladda Itoobiya oo uu hoggaaminayo Afhayeenka Baarlamaanka Itoobiya Tagese Chafo, iyadoo halkaa ay wafdiga ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta u sarreysa TPLF, ee gacanta ku haya maamulka gobolka Tigray.
Itoobiya oo baadi goobeysa Waraabe dad cunay
Maamulka duur-joogta Itoobiya, ayaa isku duba ridinaya koox ugaarsato ah, oo baadi goobaya Waraabe dilaa ah, meel u dhow magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.
Maxay tahay xayiraadda ay kusoo rogeen Al-Shabaab mid ka mid shirkadaha isgaarsiinta
Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xubo katirsan Ururka a Al-Shabaab ay xayiraado kusoo rogeen dhaqdhaqaaqa gaadiidka iyo shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud Telecom.
Puntland ” Waa la xalinayaa tabashooyinka ay qabaan ururrada siyaasadda “
Garoowe ( Raxanreeb ) Madaxwayne Deni oo shaaciyay fulinta 11 qodob oo ay saluuugsanayeen urur siyaasadeedyada Puntland. Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxwayne Saciid Deni ayaa lagu sheegay in dhammaan la xallin doono cabashooyinka ka yimid soohdimaha degmooyinka ka hor inta aan la bilaabin diiwan-gelinta cod-bixiyaasha . Waxa sidoo kale lagu xusay warkan in qa...