Day: February 3, 2023

Home » Archives for February 3, 2023
Post

Shirar looga hadlayo wajiga 2aad shirka dib u heshiisiinta oo Baydhabo ka socda.

Baydhabo( Raxabreeb)  Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan qado sharaf ah la qaatay odayaasha dhaqanka ee Koonfur Galbeed. Golaha Malaaqyada Dhaqanka ee Koonfur Galbeed ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka waxay ku dhiira geliyeen dadaalka loogu  mira-dhalinaayo guul ka gaarista Shirka Dib u Heshiisiinta Koonfur Galbeed, iyagoo...

Post

“MD Xasan ha cadeeyo mowqifkiisa Laascanood ” – Madax hore-

Muqdisho ( Raxanreeb ) ku dhawaad 30 Siyaasi oo isugu jira Ra’iisul wasaarayaal hore, guddoomiyayaal barlamaan oo hore, Wasiiro hore, siyaasiyiin iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed, ayaa baaq ka soo saaray maanta xaalada gobolada Sool, Sanaag & Cayn. Siyaasiintan ayaa ugu baaqay Madaxwaynaha Dowladda Federaalka in uu cadeeyo mawqifkiisa xaaladda gobalada SSC, iyagoo ka digey adeegsiga awooda ciidan...

Post

Amniga caasimadda oo loo taag la’ yahay & howlgalo socda…

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa howlgal ka dhan ah – kooxaha dhac ka gaysta ka sameeyay xaafadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Tiro dhawr ah ayay ciidanka ay ku soo qabreen howlgalkooda sida ay sheegeen saraakiisha maamulka degmada Hodan ee gobolka Banaadir. Taliska Booliska degmada Hodan ayaa sheegay maanta oo...

Post

Waddo uu isticmaalayay MD Xasan oo ATMIS dil ka gaystay + dadwayne xirtay waddada.

Muqisho ( Raxanreeb ) Waddooyin muhiim ah oo magaalada Muqdisjo waxaa xiray dad badan oo aad ugu caraysanaa dil ciidanka howlgalka xasilinta midowga Afrika ee ATMIS ay u gaysteen qof rayid ah. Dadwaynaha ayaa isugu soo baxay waddooyinka Ceelgaabta ee degmada Xamarjajab halkaas oo ay diideen dadwaynaha adeegsigeeda ilaa cadaalad loo helo dilka ATMIS ay...

MD oo gaaray Baydhabo  & mira dhalka shirka dib u heshiisiinta KGS
Post

MD oo gaaray Baydhabo  & mira dhalka shirka dib u heshiisiinta KGS

Baydhabo ( Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo Jimcaha gaaray magaalada Baydhabo ee gobolka Baay. Safarka Madaxwaynaha ayaa salka ku haya ka qayb galka wajiga labaad ee Shirka dib u heshiisiinta ee gogoshiisa ay taalo magaalada Baydhabo. Waa safarkii labaad oo Madaxwaynaha Soomaaliya uu ku tagayo magaalada Baydhabo , tan...