Shiinaha ayaa ballan qaaday iskaashi qoto dheer oo uu la yeelanayo Ruushka Arbacadii iyadoo madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu dib u xaqiijiyay hubinta amniga xubnaha "jiidda hore" ee NATO ee bariga, taasoo muujineysa xiisadaha caalamiga ah iyadoo sannad-guuradii ka soo wareegtay duulaankii Ruushka ee Ukraine.
Day: February 22, 2023
DF oo sheegtay 10 qof oo shacab ah inay ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla Mirinaayo
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen guri ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dileen toban qof oo rayid ah.
Xiriirka kubadda cagta oo doorasho ‘’is barbaryaaca’’ ah ku qabtay Muqdisho
Muqdisho (Raxanreeb ) Dood badan aaya ka dhalatay maanta doorashooyin is bar bar yaaca ah oo ka dhacday magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu kala doortay cida noqonaysa Guddoomiyaha xiriirka kubada Cagta Soomaaliyeed. Hotelo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa waxaa mid kasta xaadiray xubno la sheegay in ay ka qayb galeen doorashooyinka is bar bar yaacaya...
Golaha Aqalka Sare oo meelmariyay Sharciga Hay’adda NISA
Muqdisho (Raxanreeb ) Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa meelmariyay Sharciga Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaran ee NISA. Kulan maanta oo Arbaca ah ay ku yeesheen magaaalada Muqdisho xubnaha aqalka sare ayay cod gacan taag ah ku meelmariyeen sharcigan oo ka soo gudbay Golaha shacabka. Wasiiru dowlaha wasaaradda amniga gudaha, Maxamed Cali Xagaa oo...
“Lacagta laga dhaco Kenya waa in gudaha dalka lagu maalgeliyaa”
Shacabka Kenya ee la sheegay inay ku takrifalaan hantida dadweynaha ayaa loogu baaqay inay dalka ku maalgeliyaan lacagta ay xadaan baddalkii ay geysan lahaayeen dalalka dibadda, sida ay sheegtay hantidhawraha guud ee Kenya, Nancy Gathungu.
Al-Shabaab oo war kasoo saartay weerarkii lagu qaaday guri ku yaalla Muqdisho
Al-Shabaab ayaa sheegtay in 70 qof ay ku dishay weerarkii shaley ka dhacay guri ku yaallay waqooyiga magaalada Muqdisho.
BFS oo maanta ‘’cabsi amni’’u baajiyay kulankii Golaha shacabka
Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Arbaca ah waxaa dib loo dhigay kulan lagu waday in mudanayaasha Golaha shacabka ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho , sida lagu wargaliyay xildhibaanada. Warar warbaahinta ay heshay ayaa sheegay in kulanka loo baajiyay sabab la xiriirta amniga caasimadda oo ay ka taagan tahay xaalad hubinti la’aan ah taas oo keentay....
Q.M ‘’ 80,000 oo qof ayaa ka barakacay dagaalka Laascanood ‘’
Adis Abab (Raxanreeb ) Qaramada Midoobay oo sheegtay in 80 –kun oo qof ay ka barakaceen dagaalada iyo duqeymaha ka sii soconaya magaalada Laascanood ee gobolka Sool. Hay’adda UNHR u qaabilsan qaxootiga ayaa sheegtay in Deegaanka Doole ee dalka Itoobiya xaalad adag ay ku haysato dad badan oo ka soo cararay dagaalka Laascanood kuwaas oo...