Hargeysa (Raxanreeb online) – Madaxweynaha cusub ee Somaliland, C/raxmaan Maxamed C/llaahi Cirro, ayaa maanta oo Khamiis ah lagu dhaariyay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland. Munaasibadan oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socday dalka Itoobiya, wakiilo ka socday Maraykanka iyo Ingiriiska iyo wakiilka Taiwan. Guddoomiye Cirro oo 69 jir ah oo mucaarid ah,...
Day: December 12, 2024
Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo dhaleeceeyay heshiiska Ankara kuna tilmaamay “fulkaano hurda”
Muqdisho (Raxanreeb online) – Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa ka hadlay heshiiskii Ankara ee ay dhawaan wada gaareen Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo ku tilmaamay mid halis weyn ku ah Qaranimada Soomaaliya. Heshiiskan oo uu gar-wadeen ka yahay Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa dib u xaqiijinaysa madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, balse...
IGAD oo soo dhaweysay heshiiskii Ankara ee Itoobiya iyo Soomaaliya.
Addis Ababa (Raxanreeb online) – Urur goboleedka IGAD ayaa soo dhaweeyay heshiiskii nabadeed ee Arbacadii lagu gaaray magaalada Ankara ee dalka Turkiga ee u dhaxeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Xoghayaha fulinta IGAD, Workneh Gebeyehu ayaa bogaadiyay heshiiskii taariikhiga ahaa ee Ankara ee ay wada gaareen labada dal ee Bariga Afrika. Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa heshiis...
DEG DEG: Jubbaland oo soo bandhigtay Taliyihii hoggaaminaayey ciidankii Raaskambooni ee Gorgor
Kismaayo (Raxanreeb online) – Jubbaland ayaa soo bandhigtay taliyihii hoggaaminayay ciidamada ay dowladda gaysay magaalada Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, iyada oo soo bandhigtay, kaddibna baahisay sawirradiisa. Sidoo kale, qoraal kasoo baxay Jubbaland ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada dadaraawiishta oo howlgal sameeyay ay soo qabteen taliye Xasan Ciraaqi oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeay ciidamaday...
Soomaaliya iyo Ethiopia oo gaaray heshiis hordhac ah + qoddobada lagu heshiiyay
Ankara (Raxanreeb online) – Waxaa magaalada Ankara lagu soo gabagabeeyay wadahadaladii uu garwadeenka ka ahaa Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayip Erdogan una dhaxeeyey Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Sidoo kale, Kulankan oo saacado badan socday ayaa waxaa labada dhinac ay ku heshiiyeen iyadoo lagu saleynayo War Murtiyeedka wadajirka ee...
Madaxweyne hore Farmaajo oo wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkii shalay ka dhacay Raaskambooni
Doxa (Raxanreeb online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalkii shalay deegaanka Raaskanbooni ku dhax maray ciidanka dowladda iyo Jubbaland, kuwaa uu sheegay in ay leeyihiin hal cadaw oo Al Shabaab ah. Sidoo kale, Farmaajo ayaa tilmaamay in dagaalka shalay dhacay uu muujinayo xaaladda adag ee dalku...
Ciidanka Jubbaland oo hub iyo gadiid dagaal ka qabsaday ciidankii dowladda ee Raaskambooni
Raaskambooni (Raxanreeb online) – Xaalada deegaanka Raaskambooni oo shalay dagaalo culus ka dhaceen ayaa saakay degan, waxaana deegaanka si buuxda gacanta ugu haya ciidamada daraawiishta maamulka Jubbaland, halka ciidankii dowladda ee halkaasi joogay noqdeen kuwa la qabtay iyo kuwa xadka Kenya ka gudbay. Sidoo kale, Ciidamada Jubbaland ayaana isku fidiyay guud ahaan deegaanka Raaskambnooni, waxa...