Galmudug (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in farriinta ugu weyn ee safarkiisa Galmudug ay ahayd xoojinta nabadda iyo midnimada shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha oo ka qeyb galay munaasabad qado sharaf ah oo lagu maamuusay isaga iyo wafdigiisa ayaa bulshada la wadaagay warbixin ku saabsan horumarka laga sameeyay amniga, dowlad-dhiska, dhammeystirka...
Day: August 18, 2026
Taliyaha Ururka 95-aad oo Kormeeray Ciidamada Qeybta 60-aad
Shabeellaha Hoose (Raxanreeb Online): Taliyaha Ururka 95-aad ee Guutada 9-aad, Qeybta 60-aad, Dhamme Cabdullaahi Anjeex, ayaa kormeer iyo tirakoob ku sameeyay ciidamada uu hoggaamiyo. Kormeerka ayaa lagu hubiyay diyaargarowga ciidamada, anshaxa iyo gudashada waajibaadka loo igmaday. Taliyaha ayaa sidoo kale qiimeeyay xaaladda ciidamada iyo heerka ay ugu diyaar garoobeen gudashada waajibaadkooda.
Wasiir Fiqi iyo Taliyaha CXDS oo Booqday Danab ee Gaalkacyo
Gaalkacyo (Raxanreeb Online): Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Axmed Macallin Fiqi, oo uu weheliyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa booqday xarunta Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee magaalada Gaalkacyo. Wasiir Fiqi ayaa ciidamada ku ammaanay shaqada adag iyo naf-hurnimada ay u hayaan qaranka, isagoo kula dardaarmay inay sii xoojiyaan dadaallada...
Wasiiru-dowlaha Arrimaha Gudaha oo Shaqadiisa Dib Ugu Laabtay
Muqdisho (Raxanreeb Online): Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Xildhibaan Saadaad Caliyow, oo dhawaan sheegay inuu iska casilay xilkaasi si uu ugu tartamo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ayaa maanta dib ugu laabtay shaqadiisa kaddib markii ay soo dhammaatay doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka JFS. Saadaad Caliyow ayaa kamid ahaa xubnihii u tartamay xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, balse doorashadii ayaa...
18-Jir Belgium U Dhashay oo Helay Dahab $10 Milyan Lagu Qiyaasay
Belgium (Raxanreeb Online): Wiil 18 jir ah oo u dhashay dalka Belgium ayaa helay dahab lagu qiyaasay qiimihiisu inuu gaarayo 10 milyan oo dollar, xilli uu ka shaqeynayay duminta dhisme qadiimi ah. Wiilka ayaa la sheegay inuu dhismaha dumintiisa ku guda jiray markii uu arkay wax u eg shilimo dahab ah oo ku daadsanaa goobta....
Markab Lagu Afduubay Xeebaha Soomaaliya
Soomaaliya (Raxanreeb Online): Sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Anadolu, siddeed qof oo lagu tuhunsan yahay burcad-badeednimo ayaa la wareegay markab marayay xeebaha Soomaaliya, gaar ahaan meel koonfur kaga beegan deegaanka Mareero. Wararka ayaa sheegaya in kooxdu ay la wareegtay gacan-ku-haynta markabka kaddib markii ay gaareen goobtii uu ku sugnaa. Ilaa hadda faahfaahin rasmi ah lagama...
Soomaaliya oo Kalluun U Dhoofinaysa Shiinaha Bisha Soo Socota
Muqdisho (Raxanreeb Online): Soomaaliya ayaa la filayaa inay bisha soo socota bilowdo dhoofinta kalluunka ee dalka Shiinaha, iyadoo laga faa’iideysanayo cashuur-dhaafka ay Beijing u sameysay dalalka Afrika. Heshiis ay Muqdisho ku kala saxiixdeen Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya iyo Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuu ganacsatada Soomaaliyeed u oggolaanayo inay kalluunka si cashuur-la’aan ah...
Putin oo Erdogan Uga Digay Hubka Turkiga ee Ukraine
Ankara (Raxanreeb Online): Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa la sheegay inuu uga digay Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdoğan, in hub iyo gantaallo ku jira kaydka ciidamada Türkiye ee uu Mareykanku siiyay loo wareejiyo Ukraine. Sida uu maanta weriyay telefishinka Ruushka ee RT, Putin ayaa sheegay in haddii hubkaasi loo diro Ukraine ay taasi dhaawici karto...







