Somalia iyo Qatar oo bilaabay kalfadhigii ugu horeeyay ee ay yeshaan guddiga wadajir ee Iskaashiga

Qatar (Raxanreeb Online) Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Doha kaga qayb-galay kalfadhigii koowaad ee Guddiga Wadajirka ah ee Soomaaliya iyo Qatar.

Guddigan oo labada dowladood dhiseen ayaa ah mid lagu xoojiyo xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga istiraatiijiga ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo dhowr ah oo muhiim u ah horumarinta iskaashiga labada dal. Heshiiska Hidaha iyo Dhaqanka , ee Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare

Soomaaliya  iyo Qatar  waxay iska kaashan doonaan xoojinta iskaashiga maktabadaha iyo hay’adaha kaydka taariikhiga ah, abaabulka xafladaha dhaqanka iyo bandhigyada fannaaniinta, gudbinta iyo kobcinta aqoonta farshaxanka iyo dhaqanka, iyo ka qaybgalka bandhigyada buugaagta caalamiga ah ee ay wada qabtaan labada waddan.

Sidoo kale waxa ay kala saxiixdeen Heshiiska Kastamada (Wasaaradda Maaliyadda). Heshiisku wuxuu kor u qaadaya hirgelinta sharciga kastamka, xakamaynta iyo la dagaallanka dembiyada kastamka, hubinta qiimeynta saxda ah ee canshuuraha iyo kharashyada, ilaalinta habraacyada iyo xeerarka kastamka, iyo la dagaallanka xadgudubyada iyo tahriibinta, iyadoo la tixgelinayo heshiisyada heer gobol iyo caalami iyo Heshiiska Dhalinyarada, Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha

Heshiisku wuxuu xoojin doonaa iskaashiga iyo is-dhaafsiga ka-qaybgalayaasha ururada dhalinyarada, ka qaybgalka shirarka iyo siminaarada, sahaminta xeryaha dhalinyarada, iyo tababarka maaraynta mashruuca iyo xirfadaha hoggaamineed.

Geesta kale Heshiiska Beeraha ayaa ah mid Soomaaliya iyo Qatar waxay iska kaashan doonaan xoojinta wax soo saarka beeraha iyo cuntada, is-dhaafsiga khibradaha iyo xogaha sayniska, abaabulka shirarka iyo siminaarada, isticmaalka teknoolojiyada casriga ah, bacriminta, iyo maareynta kaydinta iyo aqalka dhirta lagu koriyo(green House).

Heshiisyadani waxay astaan u yihiin go’aanka labada dowladood ee ku aaddan xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee dhinacyada dhaqanka, dhalinyarada, beeraha, iyo kastamka, iyagoo ka tarjumaya himilo wadajir iyo horumar waara.

Leave a Reply

Your email address will not be published.