Muqdisho (Raxanreeb) — Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdigiisa oo casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa Talyaaniga ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Roma waxaa ay kulamo la qaadan doonaan Guddoomiyaha Baarlamaanka Talyaaniga iyo hoggaanka kale ee dalkaas.
Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdigiisa ayaa inta ay ku sugan yihiin magaalada Rooma waxa ay la kulmi doonaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Talyaaniga, waxa ayna kala hadli doonaan xaaladda dalka iyo shaqooyinka u qabsoomay Golaha Shacabka.
Safarka Guddoomiye Aadan Madoobe ayaa ka dhigan in dalka ay kawada maqanyihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Guddoomiyaha, iyada oo Madaxweyne Xasan Sheekh uu maanta u duulay dalka Eretriya, waxaana dalka sidaas ku simaha Madaxweynaha ka ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.