Abiy Axmed oo markale shaaciyay rabitaanka uu dalkiisa u qabo helida bad

Addis Ababa ( Raxanreeb Online) Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay baarlamaanka dalkaasi. Khudbadda ayuu uga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ammaanka Itoobiya, kan gobolka iyo guud ahaan xaaladda dalkiisa.

Xiriirka Itoobiya iyo Eritrea ayaa muddo dheer ahaa mid aan wanaagsaneyn kadib dagaalkii ka dhacay waqooyiga gobolka Tigray ee Itoobiya.

Abiy oo loo soo jeediyey su’aal arrintaas ku saabsan ayaa kaga jawaabayay eedeymihii dhawaan uga yimid Eritrea ee ahaa in dalkiisu “uu maleegayo dagaal”

“Ma ridi doono wax rasaas ah, mana doonayno dagaal” ayuu yiri. “Si kastaba ha ahaatee, haddii aan aragno xaalad halis ku ah xorriyadeena, waan is difaaci doonnaa” ayuu sii raaciyey.

Arrintan ayaa timid ka dib markii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu si cad u sheegay in gelitaanka Badda Cas ay tahay arrin badbaado u ah Itoobiya oo aan bad laheyn, hadalkaas oo walaac ay ka muujiyeen dalalka gobolka ee dariska la ah Itoobiya.

Waxaa kale oo uu muran ka dhashay heshiiskii isfahan ee dhanka badda ee ay wada gaareen Itoobiya iyo Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland horraantii 2024.

Leave a Reply

Your email address will not be published.