Akhriso warmurtiyeedka DF iyo maamul goboleedyada dalka

Akhriso warmurtiyeedka DF iyo maamul goboleedyada dalka

Muqdisho (Raxanreeb) — Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya lagu soo gabagbeeyey shirkii dowladda Soomaaliya iyo madaxda maamul goboleedyada u socday.

Shirka oo qaatay waqti ka badan intii loo qorsheenayey ayaa waxaa looga hadlay qodobo badan waxaana ugu dambeyn maanta laga soo saaray war-murtiyeed ay saxiixeen dhammaan madaxdii shirka ka qeyb gashay.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo  saaray ayaa waxaa kamid ah sidii kooxda Al-Shabaab looga ciribtiri lahaa guud ahaan dhulka Soomaaliya iyo sidii loo fulin lahaa dhammaan heshiisyadii dhanka amniga ee horey loo kala saxiixday.

Sidoo kale war-murtiyeedka ayaa lagu bogaadiyey guulaha ay ciidamada dowladda Soomaaliya ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab .

Golaha ayaa sidoo kale ku baaqay in gurmad deg deg ah lala gaaro dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku nool gobolada dalka kuwaas oo halis ugu jiro inay gaajo u dhintaan.

Waxyaabaha lagu heshiiyey waxaa sidoo kale qeyb ka ah in la dhameystiro dastuurka dalka, waxaana lagu heshiiyey in la dhameystiro xubnaha dhiman ee guddiga dib u eegista dastuurka dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.