Al-Shabaab oo weerar ku qaaday bar koontarool oo ku taalla degmada Kaxda

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday bar koontarool oo ku taalla degmada Kaxda

Muqdisho (Raxanreeb) — Al-Shabaab, oo weerar toos ah, iyo qaraxyo ku qaaday bar-koontarool, oo ku taalla degmada Kaxda, ee magaalada Muqdisho, ee gobolka Banaadir.

Weerarkan ayaa lagu qaaday ciidamada loo yaqaano Boolis Millataare, kuwaas oo xalay lagu qaaday weerarkan, tooska ah, sidoo kalena ay saakay ka dhaceen qaraxyo miino kuwaas oo la geliyay isla goobta xalay weerarka uu ka dhacay.

Dad goobjoogeyaal ah, ayaa inoo xaqiijiyay in xalay ay maqlayeen rasaas xooggan oo ka dhaceeyso isla degmada Kaxda, saakay ay ku waabariisteen qaraxyo waa weeyn.

Sidoo kale waxaa jira khasaare kala duwan oo labada dhinac ah, inkastoo weli aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah, ee ka jira degmadaasi.

Waxaan xiriir la sameeynay maamulka degmada iyo masu’uliyiinta laamaha amniga kuwaas oo aan ka weynay wax jawaab ah.

Al-Shabaab, ayaa inta badan weeraro xooggan ka geeysata degmada Kaxda, oo inta badan ay weerarto saldhigga degmadaasi oo dhowr jir ay maxaabiis kala baxeen oo halkaasi ugu xirnaa.

Halkan kala soco wixii kusoo kordha wararkani