Askari katirsan Ciidamada DF oo dil u geystay gabar ardayad ah

Askari katirsan Ciidamada DF oo dil u geystay gabar ardayad ah

Muqdisho (Raxanreeb) — Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dhacdo xanuun leh oo maanta ka dhacday magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay gabar ardayad aheyd, mid kalena lagu dhaawacay, kadib rasaas uu ku furay askari ka tirsan dowladda.

Dhacdadaan ayaa ka dhacday xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Allaha u naxariistee waxaa rasaasta uu furay askariga oo mar dambe goobta ka baxsaday ku geeriyootay Asmo Cabdullahi Warsame, ayada oo ay ku dhaawacantay gabar kale oo ay saaxibo ahaayeen taas oo lagu magacaabo Najmo Qaasim Maxamuud.

Meydka gabadha la dilay ayaa la geeyey isbitaalka Madiina, halkaas oo ay isugu tageen ehellada marxuumadda iyo ardayda Jaamacadda Banaadir oo ay wax isla baranayeen.

“Gabadhaas gabar kale ayaa la socotay oo la dhaawacantay saaxibteed aheyd waxaa dilay askari ka tirsan ciidanka dowladda ka bacdina meesha ayuu ka cararay illaa haddana ma heyno,” ayuu yiri mid ka mid ah ehellada gabadha la dilay oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale wuxuu farriin culus u diray dowladda federaalkla ah ee Soomaaliya isaga oo ka dalbaday inay cadaalad u helaan dilka loo geystay gabadhooda.

“Cadaalad ayaan rabnaa in gabadhaas masaakiinta ah ee Jaamacadda dhiganeysay oo indhihii waxbarashada qayb ka mid ah aheyd in ay hesho cadaalad dowladda federaalka iyo taliska booliska gobolka Banaadir ayaan ka codsaneynaa,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Qaar ka mid ah ardayda ay isku fasalka ahaayeen marxuumadda ayaa dhankooda ka hadlay dareenkooda, waxayna baaq u direen madaxda sare ee dowladda Soomaaliya.

“Geerida iyada oo xaq ah ayey kala xanuun badan tahay, ayna ka saameyn badan tahay qof go’aansaday inuu dhaqtar noqdo oo waalidkiis hiil & garab la garab taagnaayeen ayaa si fudud lagu dilay, cadaalad ayaan uga baahanahay dowlada,” ayey tiri ka mid ah gabdhaha ay wax isla baranayeen Asmo oo maanta lagu dilay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Inta badan askarta dowladda ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa dilal ka geysta gudaha caasimada, waxaana dhibaatada ugu badan ay soo gaartaa shacabka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.