Muqdisho (Raxanreeb ) Howlgalka ATMIS ayaa bilaabay ka bixitaanka wajiga labaad ee howlgalka ka bixitaanka guud ahaan dalka sida dalka.
Saraakiil ka tirsan ATMIS ayaa sheegay in dhawaan ay ka bixi doonaan ilaa todobo saldhig oo ku – yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Warsaxaafadeed ey soo saareen ciidanka ATMIS ayey ku sheegeen in wijiga labaad ee qorshaha dhimista ciidanka ATMIS ee gudaha Somalia looga saarayo ilaa 3000 kun oo askari ah kuwaas oo kabaxay saldhigo badan oo ay kulahaayeen gobolada dalka iyo Muqdisho.
Madaxa Guddiga Midowga Africa Alhadji Sarjoh Bah, ayaa soo gaba-gabeeyay booqasho shaqo oo uu kujoogay gudaha Somalia, isagoona hoggaaminaayay wafdi kasocday waaxda Siyaasada iyo Nabadda oo uu kamid ahaa madax cusub ee loo magacaabay General Cheick Dembele.
Socdaalka wafdigan ayaa aya waxa uu ahaa sidii loo maareen lahaa qaababka loogu wareejinaayo masuuliyada ammniga ATMIS taas oo aan si kala go’ leheen loogu wareejinaayo ciidanka xoogga dalka Somalia.
Leave a Reply