Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u ambabaxay magaalada Asmara ee caasimada dalka Eritrea.
Author: Mohamed Jibril (Mohamed Jibril)
Haweeney Xabsi ku jirta oo ku guuleetsatay Peace Prize
Narges Mohammadi oo u dhalatay dalka Iran oo u ololaysa xuquuqda aadanaha ayaa ku guulaysatay abaalmarinta nabadda ee Nobel Peace Prize 2023.
Nigeriya oo dagaal ba’an kula jirta dadka shidaalka ka xada dhuumaha
Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay dagaal xooggan la galayso dadka ku howlan in ay lacago badan ka sameeyaan shidaalka laga xado dhuumaha qaada ee mara Gobolka Delka ee dhaca Koofurta Dalkaan cirifka Waqooyi u xiga Qaaradda Afrika.
Ciidamada Mareykanka oo soo riday diyaarad Turkigu leeyahay
Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa Khamiistii soo riday diyaarad aan duuliye la socon (drone) oo Turkiga leeyahay, taasi oo loo arkay inay halis ku tahay ciidamada Mareykanka ee Syria, waxaa sidaas sheegay Pentagon-ka.
Askar lagu laayay Niger oo aas wadareed loo sameeyay
Tirada askarta la sheegay in lagu dilay weerar ka dhacay galbeedka Niger ayaa gaartay lixdan. Goob joogayaal ayaa tiriyay meydadka intii ay socotay aas wadareed oo uu goob joog ka ahaa wasiirka difaaca ee dalkaasi.
Raila Odinga oo su’aal galiyay ciidamada dalkiisu u dirayo Haiti
Hogaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa su’aal galiyay go’aanka dalkiisu ku hoggaaminayo howlgalka nabad ilaalinta ee Haiti si loola dagaalamo kooxaha burcadda ah ee halkaasi ka jira, isagoo ku tilmaamay arrintaa tilllaabo qaldan.
Senatoro Mareykan ah ‘oo ka walaacsan’ qodobada xiriir laga yaabo inay yeeshaan Israel iyo Sacuudiga
Labaatan Senator oo ka tirsan Xisbiga Dimoqraadiga Mareykanka ayaa Arbacadii taageeray heshiis suurta-gal ah oo ay xiriir ku yeelanayaan Israel iyo Sacuudi Carabiya, balse walaac ka muujiyey damaanad qaad amni oo kasta ama taageero nukliyeer oo la siiyo Riyadh.
Tobanaan qof oo mas’uuliyiin ay ku jiraan oo ku dhintay dagaal ka dhacay Mudug
Wararka ka imanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaal qaraari uu shalay ka dhacay meel u dhaxaysa Wisil iyo degaanka Shabeelow oo ay dhowaan qabsadeen ciidamada dawladda iyo kuwa degaanka.
Al-Shabaab ‘oo laga saaray’ kaymaha Cali Fooldheere
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa sheegay in howlgal wadajir ah kooxda Al-Shabaab looga saaray kaymaha Cali Fooldheere ee gobolka Shabeellaha Dhexe, islamarkaana khasaarooyin culus lagu gaarsiiyey.
Ciidamada DF iyo Atms oo howlgallo ka dhan ah, Al-Shabaab kawada Shabeellaha Dhexe
Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Howlgalka Kumeel-gaarka ah ee Midowga Afrika ATMIS ayaa howlgallo wadajir ah ka sameeyay tuulooyin hoostaga Deegaanka Cali Fooldheere Gobolka Shabeelaha Dhexe Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle.