Author: mowliid A (mowliid A)

QM oo shaaca ka qaaday in 39 qof ay ku dhinteen dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.
Post

QM oo shaaca ka qaaday in 39 qof ay ku dhinteen dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya.

Gedo (Raxanreeb online) – Muranka dhulka: 39 oo lagu dilay dagaal beeleedyo ka dhacay Soomaaliya 2 bilood gudahood – QMXafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay, OCHA, ayaa shaaca ka qaaday in 39 qof ay ku dhinteen dagaal beeleedyadii u dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya labadii bilood ee la soo dhaafay. OCHA waxa ay...

145 Muwaadiniin Somali Ah Oo Ka Soo Laabtay Dalka Yemen oo Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Berbera.
Post

145 Muwaadiniin Somali Ah Oo Ka Soo Laabtay Dalka Yemen oo Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Berbera.

Berbera (Raxanreeb online) – 145-qof oo Soomaali ah ayaa maanta dib ugu laabtay dalkooda, kuwaasoo ka yimid dalka Yemen, kuwaasoo Axaddii kasoo dagay dekedda magaalada Berbera. Dadka soo laabtay ayaa waxaa qaabilay maamulada deegaanka iyo wakiilo ka socday hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR. Markii ay yimaadeen, dadka soo laabtay waxaa loo wareejiyay...

Heshiis xabad joojoojin oo la kala dhaxdhigay beelo ku dagaalamay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Post

Heshiis xabad joojoojin oo la kala dhaxdhigay beelo ku dagaalamay xadka gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Hiiraan (Raxanreeb online) – Xiisad colaadeed oo u dhaxeysay labo beelood oo Soomaaliyeed ayaa ku soo idlaatay xabad joojin aan taagneyn oo ay garwadeen ka ahaayeen maamulka deegaanka, taasi oo rajo ka muujisay beelihii ay colaaduhu halakeeyeen. Beelaha Xawaadle iyo Abgaal oo maleeshiyaadkooda ku dagaalameen khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo ka dhacay xuduudka Hiiraan...

Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee degmada Hiliwaa.
Post

Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee degmada Hiliwaa.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garan ayaa lagu soo waramayaa in ay degmada Hiliwaa ee Gobolka Banaadir ku weerareen Guddoomiye ku xigeenka dhanka Arrimaha Bulshada ee degmadas Guure Maxamed Xirsi Weerarkan ayaa sidoo kale lagu dilay nin dhalinyaro ah oo ka mid ahaa dadka ganacsatada ah sida ay wararku sheegayaan....

WARARKII UGU DAMBEEYAY: Abaabul dagaal oo ka socda Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo xabsiga dhigay saraakiil badan
Post

WARARKII UGU DAMBEEYAY: Abaabul dagaal oo ka socda Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo xabsiga dhigay saraakiil badan

Kismaayo (Raxanreeb online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada, ayaa waxaa haatan lasoo warinayaa in uu ka bilowday abaabul dagaal oo ka dhan DF, kaddib markii DF deegaanka Raskambooni ee gobolka Jubbada Hoose maalmihii lasoo dhaafay kusii daabuleysay ciidamo fara-badan. Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Axmed Madoobe uu xabsi guri...

CEEB IYO FADEEXAD: Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacii ka bedelay xerada Jeneraal Gordon
Post

CEEB IYO FADEEXAD: Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacii ka bedelay xerada Jeneraal Gordon

Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa maanta wareegta usoo saaray magacyadii ugu kala bedelay labada xero ciidan, ee Damaanyo iyo Gordon. Xerada General Gordon ayaa loogu magac daray Col. Maxamed Mubaarak Al Mansor oo ahaa sarkaal Imaaraadka Carabta u dhashay oo hoggaaminayay howl-galka tababarka Imaaraadka. “Madaxweynaha JFS markuu tixgeliyay in ay ku...

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay adduun lacageed gaaraya 145.6 malyan oo dollar
Post

Dowladda Soomaaliya oo laga cafiyay adduun lacageed gaaraya 145.6 malyan oo dollar

Nairobi (Raxanreeb online) – Kulan ka dhacay safaaradda Faransiiska ee maagaalada Nairobi ayaa waxaa si wadajir ah heshiis lagu soo gunaanadaayay lacagaha deymaha ah ee lagu lahaa Dowladda Soomaaliya, kala saxiixday safiirka dowladda Faransiiska ufadhiya Nairobi Mr. Arnaud Suquet iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Biixi Imaan Cige. Sidoo kale, heshiiskaan ayaa waxa uu soo maray wada...

Madaxweynaha Eritrea oo ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay dhawaan wada gaareen Eritrea Soomaaliya iyo Masar.
Post

Madaxweynaha Eritrea oo ka hadlay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay dhawaan wada gaareen Eritrea Soomaaliya iyo Masar.

Eritrea (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa meesha ka saaray eedeymaha ah in heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee ay dhawaan wada gaareen Eritrea, Soomaaliya iyo Masar uu ka dhigay “ dhidib” ka dhan ah Itoobiya, isagoo ku tilmaamay sheegashadaas dacaayad aan sal iyo raad lahayn oo loo qorsheeyay in lagu huriyo kalsooni darro...

Maamulka Gobolka Hiiraan oo isku dayaya inuu xaliyo xiisad ka taagan xadka Gobolada hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Post

Maamulka Gobolka Hiiraan oo isku dayaya inuu xaliyo xiisad ka taagan xadka Gobolada hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Beledweyne (Raxanreeb online) – Deegaannada ku yaalla xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe ee Soomaaliya ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay degenaa, kaddib dadaallo nabadeed oo uu horkacayo maamulka gobolka Hiiraan. Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo uu wehliyo Wasiirka Cadaaladda Hirshabeelle Mahad Beyle iyo Saraakiil ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida...

Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhigyo Al-Shabaab Ku Lahaayen duleedka Degmada Balcad Khasaaraha Ka Dhashay.
Post

Diyaarado Dagaal Oo Duqeeyay Saldhigyo Al-Shabaab Ku Lahaayen duleedka Degmada Balcad Khasaaraha Ka Dhashay.

Balcad (Raxanreeb online) – Duqeymo culus ayaa lagu soo waramayaa in xalay saqdii dhexe ay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Duqeymaha ayaa la sheegay in lala beegsaday goobo la sheegay in ay ku sugnaayeen Maleeshiyada Al-Shabaab. Duqeynta oo aheyd mid sax ah ayaa waxa ay ka dhacday inta...