Baladweyne: bandow lagu soo rogay 24 Saacadood

Baladweyne (Raxanreeb) — magaalada Bakadweyne kaddib markii taliska Booliska Magaalada uu kusoo rogay bandow la xiriira amniga oo soconaya muddo 24 saacadood ah, kaas oo looga jawaabayo weeraradii qaraxyada ahaa is xig xigay ee ka dhacay Magaaladaasi ayaa waxaa ka dhaqan galay bandow lagu soo rogay.

Wararka aan ka heleyno ayaa sheegaya xalay illaa saakaay uu Magaalada Baledweyne ka dhaqan galay bandowga, isla markaana ay xira yihiin Goobaha Ganacsiga Magaalada, sidoo kalena ay hakad kujiraan isku socodka dadka iyo Gaadiidka.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa soo sheegaya in inta badan Magaalada Beledweyne lagu arkayo Ciidamo farabadan, kuwaas oo ku howlan sugidda Amniga iyo xaqiijintiisa.

Qaraxyadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku dhintay mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hir-Shabeelle iyo dad Shacab ah, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada ugu culus la keenay Magaalada Muqdisho shalay galabtii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.