Bayle ”Shaki baa soo kala dhaxgala DF & Maamul Goboleedyadda”

Bayle ”Shaki baa soo kala dhaxgala DF  & Maamul Goboleedyadda”

Muqdisho (Raxanreeb ) Wasiirkii hore ee maaliyadda Xukuumadda Federaalka Cabdiraxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay in intii uu joogay Wasaarada Dowlada lacag kab ah ay siin jireen Dowlad goboleedyada.

Waxa uu sheegay in maamulada ugu dhaqaalaha yar ay yihiin maamulada Galmudug , Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo lacag dhan 150 kun doolar haddii la heli.

“Inta badan waa la fadhisan jirnay haddii la waayaana dhaqaallaha kabka waa loo sheegi jiray ma jirin wax khilaaf oo na dhax yaalay markasta waxa jiray waan la socon siin jirnay ” sidaas waxaa sheegay Wasiirka Maaliyadda Federaalka.

Waxa uu sheegay in lacagaha kale ee ka yimaada dalalka Aduunyada ay ka wada hadli jireen si daahfuran isagoo xusay in ay isugu imaan jireen si ay iskula meel dhigaan habka loo qaybsanayo ama loo qoondeynayo.

” Puntland iyo Jubbaland hortayda kama dhihi karaan wasaaradda maaliyadda dhaqaalle nama siin jirin wax kasta oo dibada ka imaado dhankooda ayay ka qaadan jireen laakiin iyaga dekadahooda wax nagama siin jirin anagana sidaaas oo kale ”

Arrimo kale in la isku hayay oo ay ka mid yihii siyaasad ayuu sheegay Wasiir hore ee maaliyadda Cabdiraxmaan Ducalle Bayle oo ku sugan dalka Mareykanka.

” Soomaalida badanaa waa ay iska shakinsan yihiin markasta waxa ay doonayaan in la qaybsado wixii soo dhaco , laakiin annaga waan is fahmi jirnay ” ayuu yiri Mr Bayle.

Si dhawaan ayay ahayd markii Wasaaradaha maaliyadda maamul goboleedyada ay sheegeen in ay ku dhawaaqeen xiriirka in ay u jareen Dowladda Dhexe sabab ay ku sheegeen in la baal-maray heshiiskii ay ku wada shaqanayeen , iyaga iyo Dowladda Federaalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.