Muqdisho (Raxanreeb) — Booliska Soomaaliya, oo soo bad baadiyay wiil yar oo saddex sano jir ah, kaas oo loogu xiray dhaqan celin guri ku yaalla degmada Xamarjabab, ee magaalada Muqdisho.
Howlgalkan, ayaa qeeyb ka ahaayeen ciidamada dharcadda ee NISA, kaas oo lagu soo badbaadiyay Yuusuf Kulmiye Xasan, kaas oo muddo 7 saacadood ku dhowaad ku xirnaa guri kaas oo ay kasoo saareen.
“Ciidamada Boliiska Saldhiga Degmada Xamar Jajab oo kaashanaya Ciidanka Hay’ada Nabadsugida & Sirdoonka Qaranka ee NISA, qaybteeda Dharcadka ee Degmadaas ka hawl-gasha ayaa soo bad-baadiyay cunug yar oo 3 sano jir ah oo lagu xiray guri ku yaala Degmadaas” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay booliska Muqdisho.
“Cunuga yar oo lagu magacaabo Yuusuf Kulmiye Xasan ayaa ku xidhnaa mudo 6 saac ah guri lagu sheegay dhaqan Celin” ayaa lagu yiri mar kale.
Arrintan ayaa ka dhalatay falcelin xooggan ee dhanka faallada ah, bogga Booliska Soomaaliya, kaas oo dad badan arigtidooda ka dhiibteen halkaasi.
“Xaruntaas dhaqan celinta ah ee canuga saqiirka ah lagu maxbuusay kuwa jooga xarunta ayaa u baahan dhaqan celis iyo jeel” ayuu yiri Cabdi Xaaji.
“Xamar waalida taalo Saqiirkaas ayaa lagu leelahay dhaqan celin ayaa la geeyey Biilkiisa maa la awoodi waayey wax kale oo aan dhahno ma heynee”ayuu yiri Maxamed Nuur Safiirka.
Cumar Xasan, ayaa yiri isna “3jir iyo dhaqan celin war umadaan qariban xagey usocotaaa”.