Burcadbadeed si xoog ah  lagaga badbaadiyay Markab ay haysteen.

Burcadbadeed si xoog ah  lagaga badbaadiyay Markab ay haysteen.

Delhi (Raxanreeb ) Sida ay ku  warameen  warbaahinta dalka Hindiya ciidanka Kumaandooska dalkaas ayaa  badbaadiyay badmaaxayaal saarnaa markab ay xeebaha Soomaaliya ka afduubteen kooxo burcad badeed Soomaali ah.

Qoraal ka soo baxay Ciidamada Badda Hindiya ayaa lagu sheegay in la soo badbaadiyay Markabka iyo dhammaan shaqaalihii saarnaa oo tiradoodu dhan tahay 21 qof oo ay ku jiraan 15 u dhashay dalka Hindiya.

Markabkan oo lagu magacaabo MV Lila Norfolk, isla markaana sita calanka dalka Liberia, ayaa ku sii jeeday dalka Baxreyn, ka hor inta aan la sheegin in laga afduubtay bariga magaalada Eyl.

Weerarkan waxaa ka horreeyay afduub markab yar oo ganacsi maalmo ka hore loogu gaystay meel u dhow xeebaha Soomaaliya,  gaar ahaan Puntland.

Wax burcadbadeed ah looguma tegin markabka MV Lila Norfolk waxaana loo jeediyay burcad badeeda ka hor inta aysan ciidamada Kumaandooska India   kusoo degin markabka dushiisa.

Weerarada burcad badeeda Soomaalida ayaa dhibaato weyn ku ahaa maraakiibta caalamiga ah lagasoo bilaabo sanadihii 2008 ilaa 2011.

Leave a Reply

Your email address will not be published.