Muqdisho ( Raxanreeb Online) Waxaa maanta lagu wadaa in magaalada Muqdisho, ay soo garaan wefid heer sare ah oo ka socda xiriirka kubadda cagta Adduunka, Afrika ee FIFA iyo CAF.
Wefdigan waxaa qeyb ka ah ciyaartooy caan ka ah caalamka, kuwaasi oo kala ah Samuel Eto’o, Emmanuel Adebayor iyo Jay-Jay Akocha, wefdigan ayaa la sheegay in ay casuumaad ka heleen xiriirka kubadda cagta Soomaaliya.
Dahabo Suusow, wasiir ku-xigeenka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, ayaa warbaahinta qaranka u sheegtay in shacab looga baahan yahay in ay soo xaadiraan garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho, oo Ciyaartooyda lagu soo dhoweeynayo.
Ciyaarhadan ayaa mar caan ka ahaa dalalkooda iyo Horyaalada qaarada Yurub, waxaana ay kulan saaxiibtinimo la ciyaari doonaan xidigaha xulka qaranka Soomaaliya iyo xidigaha ajaanibta ee ka ciyaaraha horyaalka Soomaaliya.
Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa saakay si aad ah looga dareemaya soo dhoweeynta iyo qaban-qaabada halyeeyadaan caanka ah ee maanta ku soo wajahan magaalada Muqdisho.
Leave a Reply