Nairobi ( Raxanreeb Online) Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaa ku geeriyooday wasiirkii hore ee Gaashaandhigga ee dowladii Kacaanka ee Gen Maxamed Siciid Xirsi ( Morgan) sida ay xaqiijiyeen xubno kamid ah qooyskiisa.
Marxuumka ayaa la sheegay in muddooyinkii dambe uu xanuunsanaa balse markii dambe uu xanuunka ku siiday la geeyay magaalada Nairobi, halkaasi uu maanta ku geeriyooday.
Gen Morgan waxa uu ku dhashay magaalada Qardho sannadkii 1949-kii tababare sare oo ciidanka ah ayuu ku soo qaatay dalka Mareykanka iyo Talyaaniga, isaga oo kamid noqday saraakiishii ugu aqoonta sareeysay ciidanka qalanka sida ee Soomaaliya, waxa uuna caan ka noqday dalkii 1977 dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay gobolka Soomaali Galbeed.
Intaas kaddib waxa uu noqday Gen Morgan taliyaha ciidanka “ Koofiyo Cas” guuto ciidan oo si gaar ah u tababaran.
Laga bilaabo 1986 ilaa 1988, waxa uu ahaa taliyaha militeriga ee Sektor 26-aad oo ah gobolka Waqooyi ee Somaliland, sannadkii 1990 waxa uu noqday wasiirkii Gaashaandhigga Soomaaliya, sidoo kale waxaa loo magacaabay ku-simaha madaxweynaha markii uu maamulka dowlaadii Kacaanka burbureysa.
Sannadkii u dambeysay Gen Morgan waxa uu deganaa magaalada Garoowe ee xarunta gobola Nugaal, halkaasi uu ka noqday lataliye sare oo ciidamada u qaabilsan madaxweynaha Puntland.
Leave a Reply