DF oo sheegtay 10 qof oo shacab ah inay ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ku qaadeen guri ku yaalla Mirinaayo

Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen guri ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaasoo ay ku dileen toban qof oo rayid ah.

Duullaanka oo ka dhacay guri ku yaalla waqooyiga degmada Cabdicasiis ayaa dowladdu waxay sheegtay in saddex qof oo rayid ah ay ku dhaawacmeen.

“Ciidanka ammaanku waxay gurigaas iyo dhismeyaal kale oo ka agdhawaa kasoo badbaadiyeen dad badan oo rayid ah intii uu socday weerarkan,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Soomaaliya.

Weerarkan ayaa waxaa sheegtay maleeshiyada Al Shabaab, oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida.

Askari magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali oo goobta ku sugnaa ayaa sheegay in kooxihii weerarka soo qaaday ay “soo galeen dhismaha kadib markii ay ku qarxiyeen albaabka weyn walxaha qarxa”.

Bilihii lasoo dhaafay ciidamada dowladda Federaalka oo kaashanaya kuwa deegaanka ayaa dhul ballar dib uga qabsaday maleeshiyada Al-shabaab, kadib howlgal ay taageereyeen duqeymaha Mareykanka iyo ciidmada Midowga Africa ee ATMIS.