Dil salka ku haya arrimo qabaa’il oo ka dhacay deegaan hoos yimaada Cadaado.

Cadaado (Raxanreeb ) Kooxo hubaysan ayaa maanta Axad  deegaanka Balicad ku dilay Nin xoolo dhaqato ahaa sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Allaha u naxariistee marxuunka oo lagu magacaabi jiray Xaashi Warsame Daamay ayaa deegaan  ayaa  la tuhunsan yahay in dilkiisu salka ku hayo aano qabiil.

Maalin ka hor ayay ahayd markii sidaan oo kale nin loogu dilay deegaankas oo iyaguna ay dileen kooxo hubaysan oo ka soo jeeda Cadaado.

Maamulka deegaanka wax faahfaahin ah kama uusan bixin dilkan hase ahaatee waxa la sheegay in kulan looga hadlayo dilkaas ay ku qabteen deegaanka Balicad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.