Dowladda federaalka oo diiday qorshaha Axmed Madoobe uu ku qabsanaayo doorashada maamulkaas

Muqdisho (Raxanreeb online) – War-saxaafadeed kasoo bsxay Wasaaradda Arrinaha Gudaha  iyo Federaalka Soomaaliya ,ayaa looga soo horjeestay qorshaha Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku doonayo in uu ku qabsado doorasho mar kale uu kusoo baxayo.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in  Axmed Madoobe ka dhammaatay muddadii xil heynta kuna ekeyd bishii August ee sanadka hore,waxa ayna uga digtay in uu qabsado doorasho dad badan oo la ogyahay in uu kusoo baxayo uuna abuuro qalalaase iyo kala qeybin.

Dhanka kale, Warka kasoo baxay dowladdu, ayaa lagu caddeeyay in aan doorasho la qaban karin oo aan ogeyn dowladda dhexe, islamarkaana aheyna doorasho qof iyo cod ah, iyadoo hogaamiyaha Jubbaland ku eedeysay in uu ka baxay heshiishyadii Madasha GWQ iyo heshiiskii 2019-kii uu la galay Saamileydii Siyaasadda Jubbaland oo dhigayay in uusan mar dambe Axmed Madoobe Murashax noqon.

Sikastaba, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in diyaar tahay in la fadhiisato lana hadasho hoggaamiyaha Jubbaland Axmed Madoobe, si xal looga gaaro khilaafka salka ku haya doorashada ee labada dhinac ka dhaxeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.