Dowladda iyo maamul – goboleedyada oo shir ugu furmaya Muqdisho

Dowladda iyo maamul – goboleedyada oo shir ugu furmaya Muqdisho

Raxanreeb (Muqdisho ) Shirka  Dowladda Federaalka iyo maamul- goboleedka ayaa lagu wadaa in lagu qabtay magaalada Muqdisho , kaas oo la fiayo in ay ka qayb galaan  madaxda maamul goboleedyada dalka.

Wararka  aan helayno ayaa sheegaya in madaxda maamulada qaar maalmahan soo aadan ay soo gaari doono magaalada Muqdisho , si ay ugu diyaargaroobaan ka qayb galka shirka  Dowladda Federaalka iyo maamul-goboleedyada.

Madaxwaynaha maamulka Puntland oo ka baaqsaday shirkii bishii september oo uu uga qaybgalay Online ayaa  ka mid ah sida wararka la helayo ay sheegayaan xubnaha ka qayb gali doona shirka.

Shirka ayaa ku saabsan, arrimo la xiriira qaybsiga kheyraadka gaar ahaan shidaalka oo dhawaan dowladda federaalku ay gashey heshiis shidaal, sidoo kale waxay wararku sheegayaan in looga hadlii doono amniga iyo la dagaalanka al-Shabaab.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo  khudbad ka jeediyey Barlamaanka  Puntland ayaa ka noqdey moqifkii horey ay ugu qaadaceen heshiisyada shidaalka, waxaana uu sheegay in ay hadda diyaar u yihiin arrimaha shidaalka, kadib heshiiskii dowladda federaalku ay ku qaadatey 7 milyan oo Bonus ah.

Si kasta ha ahaatee , shirkan ayaa imaanaya , iyadoo dalka uu ka jira dagaal xooga badan oo Dowladda iyo dadka deegaanka  ay ku doonayaan in ay isaga dulqaadaan culayska Ururka Al- Shabaab

Maxkamadda ciidanka Qalabka sida  ayaa maanta oo Arbaca ah xukun dil ah ku fulisay xubno  lagu helay sida Maxkamadu ay sheegtay in dilal ay gaysteen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.