Duqeymo culus oo laga fuliyay deegaanka Basar

Duqeymo culus oo laga fuliyay deegaanka Basar

Balcad ( Raxanreeb Online) Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya duqeymo diyaaradeed oo laga fuliyay deegaanka Basra oo ah deegaan istiraatiiji ah oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ee gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaah Hoose,

Ilo deegaanka kamid ah ayaa inoo sheegay in dhawaaqa duqeymo  culus ay maqlayeen, kuwaasi oo gudaha ugu dhacay deegaanka Basra.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in duqeymo qaar ay ku dhaceen saldhigyo ay Al-shabaab ku lee yihiin deegaanka, inkasto aan si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha ay geysteen.

Mareykanka ayaa sannadkan kordhiyay duqeymaha uu la beegsanayo saldhigyada ay Al-shabaab ku lee yihiin qaar kamid ah deegaanada ay kaga sugan yihiin gobollada dalka.

Sidoo kale ma jiro war kasoo baxay dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo looga hadlay duqeymo diyaraadeed ee ka dhacay Shabeellaha Dhexe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.