Muqdisho (Raxanreeb ) Maanta oo Isniin ah waxa magaalada Muqdisho lagu dilay ganacasade caanka ahaa gobolada dhexe gaar ahaan magaalada Cadaado.
Sida xogaha la helay ay tilmaamayaan ganacsadahan ayaa waxa toogtay askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya
Ganacsadahan la dilay maanta ayaa lagu magacaabi jiray AUN Sheikh Cabdullahi Cali Wehliye oo maalmahan ku sugnaa magaalada Muqdisho.
Lama sheegin ilaa iyo hadda sababaha keenay dilka ganacsadahan , Dowladda Soomaaliya wax war ah ma aysan ka soo saarin.
Dhawr xabad ayaa la sheegay in ay ku dhacday ganacadahan , taas oo keentay in lala gaari waayo goobaha caafimaad ee magaalada Muqdisho.
Ma jirto cid loo soo qabtay dilka ganacsadahan ka soo jeeda magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud.
Magaalada Muqdisho sidan oo kale waxaa hore loogu dilay dad rayid ah oo aan waxba galabsan kuwaas oo inta badan lagu eedayay askarta Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab
Leave a Reply