GAROWE : TPEC oo  ku dhawaaqi doonta deegaanada lagu qabanayo doorashooyinka & khilaaf ka taagan.

Garoowe ( Raxanreeb ) Deegaannada maamulka Puntland waxaa ka taagan khilaaf ka dhashay meelaha ay tahay in lagu qabto doorashada taas oo in muddo ah soo jiitamaysay.

Wararka RBC uu ka helayo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland ayaa sheegaya in markan Guddiga  doorashooyinka Puntland ee TPEC  isku diyaarinaya in ay shaaciyaan goobaha  loo asteeyay in ay ka dhacaan doorashooyinka oo muran badan laga keenay.

Maalmo ka hor waxaa ka jiray Puntland muran  iyo jahwareer ka dhashay  Shaxda  soohdimaynta degmooyinka oo maamulka uu soo bandhigay  kadib markii lagu faafiyay baraha bulshada.

Shaxdan la soo bandhigay , ayaa beelaha qaar waxa ay u arkaan mid sedburis ah oo la doonayo in meesha laga saaro xuquuqdooda taas oo keentay markii dambe in shirar uu ka yeesho Guddiga doorashada Puntland.

Ilaa iyo hadda wax heshiis ah lagama gaarin hanaanka deegaamaynta sohdimaha deegaannada ay ka dhacyaan doorashooyinka ku soo foodleh maamul- goboleedka Puntland.

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ee magaciisa marka la soo gaabiyo loo yaqaano TPEC ayaa doonaya in ay 25-ka bishan November ay daah-furaan diiwaan-gelinta cod-bixiyaasha ee doorashooyinka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.