Golaha ammaanka Q.M miyay go’aan ka soo saaray xiisadda Somalia & Itoobiya ?

Golaha ammaanka Q.M miyay go’aan ka soo saaray xiisadda Somalia & Itoobiya ?

NewYork (Raxanreeb ) Xiisada u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa marka marka ka sii dabeysay cirka isku shareeraysa taas oo keentay in walaac badan laga qabo xaalada labada dal.

Waxaa – meesha ka baxay isku day kasta oo lagu doonayay in lagu xaliyo xiisada u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo  Itoobiya kuwaas oo is  dhaafsaday hadalo kulul.

Golaha amaanka ayaa kulan ka yeelanaya xaalada  ku soo korortay labada dal isla markaana waxa ay soo saari doonaan go’aan la xiriira sidii xiisada wax loogu qaban lahaa.

Qoraal kooban oo ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee UNSOM ayaa lagu xaqiijiyay Kulankaasi Golaha Ammaanka ee Xaaladda Soomaaliya.

Qoraalka uu soo saaray Xafiiska UNSOM ayaa lagu sheegay in Kulanka Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ee Xaaladda Soomaaliya uu qabsoomi doono Maalinta Isniinta ah ee 19 Feb.

Kulanka waxa sidoo kale warbixin ku saabsan Xaaladda Soomaaliya ka jeedin doonta Wakiilka gaarka ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya marwo Catriona Laing.

Leave a Reply

Your email address will not be published.