Halkee ka howlgali doonaan Ciidanka  ‘’ATMIS ‘’ee soo gaaray Muqdisho

Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidamo ka tirsan Howlgalka ATMIS ayaa maanta oo Arbaca ah soo gaaray magaalada Muqdisho si ay qayb- uga noqdaan howlgalada ka dhan ah Al- Shabaab ee ka socda dalka.

In ka badan 50 Askari oo ah Unug ka tirsan Booliska waddanka Ghana , ayaa maanta  laga soo dejiyay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen saraakiil ka tirsan howlgalka ATMIS.

Hadal kooban oo ka soo baxay Howlgalka ATMIS ayaa lagu sheegay in ciidankan saldhig ay u noqon doonto magaalada Baydhabo ee gobolka Baay , halkaas oo la filayo in ay ka bilowdaan howlgalka kooxda Al- Shabaab.

Waxa sidoo kale warka ka soo baxay ATMIS lagu sheegay in ciidankan qayb wayn ay ka qaadan doonaan howlgalada lagu doonayo in lagu jabiyo kooxda Al- Shabaab ee ka socda meelo badan oo dalka ah.

“Ciidankan Ghana ka socda waxay noqon doonaan nabadda iyo howlgalka ka socda Soomaaliya ‘’ ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ATMIS.

Soomaaliya waxaa  ka howlgala Kumanaan askari oo katirsan howlgalka Midowga Afrika kuwaas oo isugu jira Millateri iyo Booliska, isla markaana ka qayb qaata dadaalada lagu nabadaynayo dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.