Kubadda  cagta  & Hay’adda  NISA halkee iska soo galaan ?

Kubadda  cagta  & Hay’adda  NISA halkee iska soo galaan ?

Muqdisho (Raxanreeb) Tuulada Cayaaraha ee Muqdisho waxaa ka soconaya cayaaraha maamul goboleedyada iyo  gobolka Banaadir oo ay ka qayb galayaan maamul goboleedyada marka laga reebo Puntland.

Wasaarada Cayaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa hormuud u ah qabashada cayaarahan isla markaana masuul ka ah sida ay wax u dhacayaan , waxaana amniga sugaya ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Laakiin  ku dhax jira Taliyaha  Hay’adda NISA ee Cayaaraha ayaa waxa ka dhalatay falcelin  kala duwan waxaana baraha bulshada qabsaday hadalo kala duwan oo ka dhashay Mahad Salaad oo  ku sugan kulan lagu dhiiragalinayo Galmudug oo ka adkaaday  kuwa Koonfur Galbeed.

Waxa ka horeeyay arintan weerar lagu qaaday kooxda kubadda cagta Koonfur Galbeed oo dhaawacyo ay soo gareen isla markaana la dhigay goobaha caafimaad ee  caasimadda taas oo lagu tilmaamay wax laga haboonaa maadama ay jiraan cayaartooy la cayaaraysay Galmudug oo lagu weeraray caasimadda .

Ka dib buuq badan iyo hadalo dhaleeceeyn ah  waxaa la shaaciyay in  caradii ka dhalatay weerarkii cayaaryahanada Galmudug la xaliyay maanta waxaana ka dhax muuqday  Taliyaha Nabad sugida Mahad Salaad , Wasiirka cayaaraha iyo xubno kale.

Arintani waa mid kale oo su’aal kale galinaysa halka ay iska qaban karaan Hay’adda NISA iyo cayaaraha maamul goboleedyada ee ka socda magaalada Muqdisho.

Leave a Reply

Your email address will not be published.