Kun iyo Sideed Boqol oo dhallinyara ah oo guriguri u gali doonaa xaafadaha Muqdisho si….

Muqdisho ( Raxanreeb ) Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sugidda amniga caasimadda oo ay ka dhacayaan falal amni darro.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa dhankiisa wada dadaalada lagu doonayo in wax lagaga qabto xaaladaha ammaan ee caasimadda.

KumanaannDhallinyaro  ahbbayaa maamulka gobolka Banaadir waxaa  uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan loogu howlgalin doono dhammaan degmooyinka Muqdisho kuwaas oo guri guri u gali doona xaafadaha gobolka Banaadir.

“Dhawaan 1,800 (Kun iyo Sideed Boqol) oo dhallinyaro mutadawiciin ah oo reer Muqdisho ah ayaa la howl gelin doonaa, si Caasimadda looga billaabo dagaal guri-ka-guri ah oo lagu suulinayo  Khawaarijta ” sidaa waxaa bartiisa Facebook ku sheegay Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Cali Yare Cali.

“Wuxuu noqon doonaa dagaal qaraar badan oo ay dad badan oo hadda is jecel salaanta isla agmari doonaan ” ayuu hadalkiisa raaciyay Cali Yare Cali Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir.

Si kasta Dowladda Soomaaliya  ayaa marar badan waxa ay ku celcelisay wax ka qabashada ammaanka caasimada oo la ogyahay in ay ka dhaceen todobaadyo gudahood qaraxyo wawayn.

Leave a Reply

Your email address will not be published.