Baydhabo ( Raxanreeb ) Magaalada Baydhabo ee gobolka Baay waxaa lagu wadaa inuu ka qabsoomo shir ay isugu imaan doonaan madaxda maamul goboleedyada dalka.
Bisha soo socda ee March ayaa qorshuhu yahay in shirka uu ka dhaco magaalada Baydhabo kaas oo ay ka qayb gali doonaan maamul goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ah Soomaaliya.
Shirkan waxaa diirada lagu saari doonaa si ambaqaadida heshiisyadii hore ay u wada- gaareen maamul goboleedyada kuwaas oo qaarkood uu ka goys adeegay Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.
Dowladda Federaalka ayaa dhankeeda waxa ay doonaysaa in meesha ay ka saarto awoodaha maamul goboleedyada waxaana taas ay ka danbeysay markii uu aad u xamaaday xiriirka Dowladda Dhexe iyo maamuladda.
Miiska waxaa u saaran maamul goboleedyada qaar sida ay wararka ay sheegayaan sidii ay u heli lahaayeen awoodo dheeri ah oo ay ku gali karaan heshiisyo caalami ah iyaga oo aan kala tashan Dowladda Federaalka.
Si kasta Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa shirkoodii u dambeeyay ee u dhexeeyay dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir waxa uu daba-yaaqada sanadkii hore ka qabsoomay Muqdisho.
Leave a Reply