Laftagareen oo gaaray Baydhabo kaddib socdaal uu ku joogay Garowe

Baydhabo (Raxanreeb) — Wafdi uu Hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta dib ugu laabtay Magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Gobaleedkaas.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa safar shaqo ku joogay Magaalada Garoowe oo ah Caasimadda Dowlad Gobaleedka Puntland, isaga oo halkaas kula kulmay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah Bulshada ku nool deegaannadaas.

Laftagareen oo galinkii dambe ee 8 December 2022-ka si diiran loogu soo dhaweeyay Caasimadda Gobalka Nugaal ayaa wali si rasmi ah loo sheegin u jeedka Safarkaas waxa uu daarnaa balse dadka u dhaga duleela Arrimaha Siyaasadda ayaa ku sifeeyay Socdaalka Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee Puntland in uu yahay isbaheysi Siyaasadeed.

Maalmo ka hor inta uusan gaarin Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen Caasimadda Puntland ayaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni waxa uu safar kaga yimid Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, isaga oo halkaas uu kula kulmay Madaxda Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah Madaxda Dowladda Dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa wajahaya cadaadis Sisaayadeed oo kaga imaanaya Siyaasiyiinta deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed, kuwaas oo  Magaalada Muqdisho ku qabtay shirar ay kaga soo horjeedaan muddo kordhinta loo sameeyay.

Hasayeeshee 5 December 2022-ka shir uu qabtay Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Koonfur Galbeed Ilyaas Cali Nuur ayuu ku sheegay in Magaalada Baydhabo aysan ka soo degi karin Siyaasiyiinta (Mucaaradka) ee ka soo horjeeda Maamulka Baydhabo uu hormuudka u yahay Laftagreen.

Siyaasiyiin ku kulmay Muqdisho ayaa sheegay in ay yihiin Musharrixiin u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha DG Koofur Galbeed ayaa dalbaday in la qabto Doorashada Dowlad-Goboleedkaas maadaama muddo xileedka Laftagareen uu ku siman yahay 19-ka December 2022, walow Muddo sanad ah uu Baarlamaanka u kordhiyay MW Cabdicasiis.

Leave a Reply

Your email address will not be published.