Muqdisho (Raxanreeb Online) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Wasaaradda Gaashaandhigga kaga qeyb galay xuska 66-aad ee sanad-guurada kasoo wareegtay aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa goobta lagu soo bandhigay ciidan tiro badan oo leh tayo heersare ah, kuna qalabeysan gaadiid dagaal oo casri ah, iyo diyaarado dagaal oo ka mid ah kuwa ugu horumarsan dunida xilligaan.
Geesta kale Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha xarunta hay’adda daryeelka agoonta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Hay’addan ayaa door muhiim ah ka qaadan doonta daryeelka iyo korinta ubadka ay ka tageen halyeeyadii naftooda u huray difaaca dalka, waxaana dhawaan meelmariyay Golaha Wasiirrada kaddib soo jeedintii Wasaaradda Gaashaandhigga.
Dhagax-dhigga xaruntan ayaa kusoo beegmay 12-ka Abriil, oo ah sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, taas oo xambaarsan qiime qaran oo weyn, isla markaana xusuusinaysa halganka iyo naf-hurnimada ciidanka Soomaaliyeed.







Leave a Reply