Madaxweyne Xasan Sheekh oo lagu wado inuu u safro dalka Masar

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Sida ay wararka sheegayaan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu u ambo baxo dalka Masar.

Kulanka labada madaxweynaha ayaa la qorsheynayaa in diirada lagu saari doono dhinacyada amniga gaar ahaan howlgalka ciidanka AUSSOM oo sannadkan ay Masar ku soo biirtay.

Geesta kale madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-siisii, ayaa dhiggiisa uga warbixin doono halka ay marayaan soo daabulista ciidanka Masaarida iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal.

Kulanka labada hoggaamiye ayaa ku soo aadaya xili xiisadda ka taagan gobolka ay sarre u kacday, kaddib markii dhowaan Itoobiya dhameeysay biyo xireenka Wabiga Nille, tallabadaasi oo ay kasoo horjeedaan dalalka Suudaan iyo Masar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.