Muqdisho (Raxanreeb )Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ayaa ka dhoofay dalka waxaana diyaarad gaar ah ay ka qaatay garoonka Aadan Cade ee magaalada Muqdisho.
Ujeedka safarkan ilaa iyo hadda ma jiraan wax faahfaahin ah oo – laga bixiyay , waxaana keliya lagu tilmaanay inuu yahay safar qarsoodi ah oo Madaxwaynaha uu dalka ugu ambabaxay.
Warar soo baxayay saacadihii la dhaafay ayaa sheegayay in Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh uu laba dal midkood uu u safray .
Kan kowaad waxaa soo baxaya war sheegaya in Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud uu ku sugan yahay imaraadka carabta.
Kan labaad waxa ay wararku sheegayaan in Madaxwaynaha uu ku sugan yahay dalka Koonfur Afrika oo aan la ogayn u jeedka safarkaas.
Laakiin waxaa si aad ah loogu badinaya in Madaxwaynaha Soomaaliya uu booqasho qarsoodi uu ku joogo dalka imraadka Carabta .
Leave a Reply