Malleeshiyo beeleed ku dagaallamay Shabeellaha Dhexe

Muqdisho (Raxanreeb) — Dagaallo u dhaxeeya laba malleeshiyo Beeleed ayaa markale dib uga billowday degaano hoostaga degmada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe halka uu kadhashay khasaare kala duwan dhimasho iyo dhaawacba.

Dagaalkan oo saakay waaberigii hore billowday ayaa ka dhacay tuulooyinka Geelgub & Kooni-jiir waxaana dhinacyada oo isku heysta dhul kuyaalla degaannandaasi ayagoona isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka aan helanay ayaa tibaaxaya in dagaalkii saakay dhimashadu ay gaartay illaa iyo 10 ruux, halka dhaawacana uu kabadanyahy iyadoo aysan jirin cid kala dhex-gashay dhinacyada dagaallamay.

Degaannada dagaalka uu ka dhacay ayaa kamid ahaa degaannadii dhowaan ciidamada dowladda ay ka saareen Al-Shabaab, waxaana mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe ay dhowr jeer sheegeen in Al-Shabaab ay iska horkeenayaan Beelaha si ay u joogsadaan howlgallada ka dhanka ah.

Dagaalka Maanta ka dhacay tuulooyinka Geelgub iyo Kooni-jiir ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa kusoo aadaya xilli Guddoomiyaha Goolka uu soo saaray baaq ku aadan in colaadda la joojiyo, isla markaana dagaalka loo wareejiyo mid Gobolka looga saarayo Al-Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.