Mareykanka oo kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay shirkii wadatashiga qaranka

Mareykanka oo kasoo horjeestay go’aankii kasoo baxay shirkii wadatashiga qaranka

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Dawladda Mareykanka, gaar ahaana Wasaaradda arrimaha dibada qeybteeda qaabilsan Afrika ayaa si xoogan u durtay dhammaan go’aanadii Madaxda Dowladda Federaalka iyo  Dawlad gobaleedyada qaarkood ka soo saareen shirkii Muqdisho.

Dawladda Mareykanka ayaa u sheegtay Villa Somalia in loo baahan yahay in go’aanada la xariira arrimaha Faderaalka (Maamulada) iyo doorashooyinka ay tahay in laga qeybgaliyo dhammaan daneeyayaasha muhiimka ah.

Qoraalka lagu baahiyay barta wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu yiri “Mareykanka wuxuu si cad  u sheegayaa  in go’aanada aan haysan wadar ogolka iyo wadatashi dhan ay halis ku yihiin daganaanshaha aysana sharciyad dhab ah aheyn”.

Sidoo kale go’aanadii madasha ayaa lagu sifeeyey in ay halis ku yihiin Amniga iyo dibu kabashada loogu jiro in looga gudbo marxaladda amni darada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.