Muqdisho ( Raxanreeb Online) Maxkamadda Ciidamada qalabka sida, ayaa saakay xukun dil toogasho ah ku fulisay labo xubnood oo katirsanaa Al-shabaab, kuwaasi oo ay dowladda Soomaaliya soo qabatay, kaddibna lagu xukumay dilka saakay lagu fuliyay.
Raggan ayaa saakay lagu toogtay tiirka toogashada ee Iskuul buluusiya, waxaana toogashada fuliyay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya.
Labada marxuum, ayaa lagu kala magacaabi jiray Saleebaan Xuseen Cali oo afgarashadiisu aheyd Siyaaf iyo Cali iyo Cabdulqaadir Abuukar Axmed oo asna afgarashadiisu aheyd Nasru-diin iyo Saabir, waxaana horay maxkamada ku heshay inay dilal ka geysteen magaalada Muqdisho, iyada oo mid kamid ah uu dilay nin ganacsade ah.
Kiisaskooda, ayaa soo maray heerarka kala duwan ee maxkamadda ciidamada qalabka sida, iyada oo ugu dambeyn maanta xukunkii dilka ahaa lagu fuliyay.
Sikastaba, maxkamadda ciidamada ayaa maalmahan bilaawday toogashada xubnaha katirsan Al-shabaaab ee dilka horay loogu xukumay.

Leave a Reply