Maxkamadda Racfaanka oo maanta dhageysaneysa Kiiska ninkii xaaskiisa ku gubay.

Maxkamadda Racfaanka oo maanta dhageysaneysa Kiiska ninkii xaaskiisa ku gubay.

Muqdisho (Raxanreeb ) –Maanta oo Axad ah waxaa  maxkamada gobolka Banaadir u fariisatay , eeda loo haysto Sayid Cali oo loo haysto dilka xaaskiisa waxaana hore maxkamada gobolka Banaadir ugu soo xukuntay dil toogasho.

Waxaa ku sugan Maxkamada racfaanka ehelada labada dhinac oo dhagaysanaya sida ay u socoto maxkamadaynta Sayid Cali.

45- maalin ka hor ayaa Maxkamadda gobolka Banaadir waxa ay ku xukuntay Sayid Cali oo xaaskiisa inuu dilay loo haysto

Xukunkii hore ee dilka ah waxaa racfaan ka qaatay Sayid-cali Macalin Daa’uud oo isagu diidan in xaaskiisa si kas ah u dilay, waxaana laga war sugayaa mar kale go’aanka ay maxkamadda Racfaanka kasoo saari doonto kiiskan.

Ehelada Luul Cabdicasiis ayaana horey u diiday in wax diyo ah ka qaataan ninkan dilay gabadhooda, waxa ayna dalbanayeen in xukun dil ah lagu ridio ninkan sida arxan-darada ahaa u dilay gabadhooda oo xaas u aheyd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.