MILICSI :Hadal Madaale & Mahadi ay sheegeen oo liin ku dhiijinaya boogta Bajaajlayda

Muqdisho ( Raxanreeb ) Toogashada ku salaysan bareerka ee loo gaysanayo waddayaasha Bajaajta ayaa magaalada Muqdisho ka noqday tusbax furtay  waxaana dilalkan fuliya  oo si sharci d ah u gaystaan askarta Dowladda Soomaaliya.

Wadde kasta oo Bajaajlaha ayaa farta wadnaha ku haya , marka uu gurigiisa uu  ka soo baxayo isagoo ku fakarayo armay kugu dhacdaa rasaasta askariga Dowladda ee aan u nixin shacabkiisa keliya ka horeeya qoriga caraadiisa.

” Madaxa haka toogan Bajaajlaha lugta kaga dhufo , gacanta ama Tayaarka”  Bajaajta beegso , hadalkaas sheegay Taliyaha Booliska gobolka Banaadir Macallin Mahadi .

Durbadiiba hadalkan waxaa uu dhaliyay fasiraado kala duwan waxaana dadka ka falceliyay ay sheegeen inuusan xal u ahayn dhibanaayaasha Bajaajlayaasha ee ku caddiban caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Madaalle  oo ka hadlayay dhacdooyinka dilalka ah ee magaalada Muqdisho ka jira ee askarta dowladda ay ku lug leeyihiin ayaa qaba fakarka ah in xabadu ay tahay xalka ugu danbeeya haddii laga maarmi waaye sida uu yiri.

” Xabadu ha noqoto xalka ugu danbeeya”  ayuu ku sheegay Guddoomiye Madaale shirjaraa’ id oo uu ku qabtay xarunta gobolka Banaadir oo uu kaga hadlayay dilalja Bajaajlayaaaha.

Hadalkan ayaa dad badan oo ku nool caasimadda u arka mid dhiijinaya dhiigbaxa rayidka ah ee ka sii socda  magaalada Muqdisho ee aan wali xalka loo helin.

Askarta Dowladda ayaa ah kuwa ugu badan ee dilka u gaysta wadayaasha Bajaajta ee caasimadda , taas oo keentay walaaca laga qabo in amniga la sugo.

Leave a Reply

Your email address will not be published.