Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa maanta u ambabaxay safar rasmi ah oo uu ku tagayo Sacuudi Carabiya, sida ay sheegeen warbaahinta dalkaasi.
Safarka Sharif ee xiligan ayaa kusoo aaday xili gobalka uu kujiro daganaansho la’aantii ugu weynayd, dhammaan marinada Shidaalka ay xiran yihiin, Sacuudigana uu la kulmayo weeraro uga imaanaya dhinaca Iran, iyadoo Islamabad iyo Riyadh uu ka dhaxeeya heshiis iskaashi difaac oo ay dhawaan galeen, kaas oo aan dhaqangal hadda noqon.
Pakistan ayaa dhawaan ku wargalisay Iran, in ay joojiso duqeymaha ay la beegsanayso saldhigyada Sacuudiga ilaa ilaha dhaqaalaha, laakiin taas ayaa noqotay mid aysan tehran aqbalin.

Leave a Reply