Muqdisho (Raxanreeb ) Maalintii labaad waxaa galay shirka Dowladda Federaalka iyo maamul – goboleedyada kaas oo lagu gorfaynayo arrimo dhawr ah.
Shirkan oo furmay shalay waxaa lagu soo hadal qaaday intiisa badan wada shaqaynta dhaxmari karto Dowladda Dhexe iyo Dowlad goboleedyada.
Maanta oo Isniin ah shirkan ayaa lagu soo waramayaa in lagu falanqayn doono arrimaha deeqaha iyo lacaga Bankiga Aduunka kab ahaanta uu u siiyo Dowladda Federaalka .
Qodobadan ayaa ah mid mid si wayn u harayn doono Shirkan maanta waayo dhinacyada ayaa aad u doonaya in si daahfuran looga hadlo halka Dowladdu aysan qorshuhu ugu jirin.
Maqnaanshaha Saciid Deni oo aallada fogaan araga shirka uga qeyb galaya, ayaa iyaduna caqabad ah, maaddaama uu yahay ninka qaba tabashada ugu badan.
Dadka xog ogaalka ah ayaa aaminsan in shirkan maanta furmay uu kusoo dhamaan doono natiijo la’aan , iyaga oo u sababeeyay dhowr arimood.
Leave a Reply