Qarax lagu weeraray askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb ) Askar ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa weerar qaraxyo ah lagu qaaday , kuwaas oo ku sugnaa degmada Dharkanlay ee Muqdisho.

Koox hubaysan ayaa la sheegay in ciidankan oo ku sugnaa xaafadda Gaaba- Guday ee dharkanlay dhawr bambooyin lagu tuuray isla markaana ay xigeen qaraxyo waxyeelo – gaystay.

Inta la xaqiijiyay qaraxan waxaa ku  geeriyooday hal askaeri sedax kalana waa ay ku dhaawacmeen kuwaas oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Muqdisho.

Saraakiisha maamulka degmada Dharkanlay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qaraxyadaas ay u soo qab qabteen tiro dad  haddan ay ku hayaan baaritaan.

Askarta dhaawac ah  ayaa qaar ka mid ah waxa la sheegayaa in xaaladooda ay aad u liidato ka dib markii meelo halis ah dhaawacyada ay ka soo gaareen sida ay sheegeen  bahda caafimaadka.

Xaalada degmada Dharkanlay hadda waa ay degan tahay waxaana socda howlgal ciidanka ay ku doonayaan in amniga ay ku sugaan si aysan u soo laaban weerarada sidan oo  kale ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.