Ra’iisul wasaaraha Jarmalka oo gaaray Shiinaha

Dalalka Yurub ayaa bilaabay Xiriir toos ah oo ay la sameynayaan Shiinaha kaddib markii Trump uu cadaadis ku bilaabay dalalka Yurub.

Ra’iisul wasaaraha Jarmalla, Friedrich Merz ayaa gaaray Shiinaha, wuxuuna maanta wada-hadal lagu xoojinayo xiriirka iyo kalsoonida labada dal uu la yeeshay madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, iyadoo Merz uu noqonayo hoggaamiyihii saddexaad oo galbeedka ka socda oo muddo labo bilood gudahood booqanaya Shiinaha,

Dhawaan waxaa sidan oo kale u booqday dalka shiinaha ra’iisul wasaarayaasha wadamada Canada iyo Ingiriiska.

Booqashooyinkan is dabajooga ah ayaa ka dhalatay carada ay reer galbeedka ka qaadeen hab dhaqanka Madaxweyne Trump.

Leave a Reply

Your email address will not be published.