Muqdisho (Raxanreeb Online) Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Gen Maxamed Xirsi (Morgan), oo shalay ku geeriyooday magaalada Nariobi ee dalka Kenya.
Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu sheegay in Gen Morgan uu kaalin weyn kasoo qaatay.
“Waxaan uga tacsiyeeynayaa qoyska, Qaranka iyo guud ahaan Ciidanka qalab-sida geerida naxdinta leh ee ku timid Alle u naxariistee Jeneraal Maxamed Siciid Xirsi Moorgan oo ahaa sarkaal ku tilmaaman karti iyo geesinimo, kaalin weynna ka soo qaatay dhismaha iyo horumarinta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed,”ayaa yiri Ra’iisul wasaare Xamsa.
Waxa uu intaas ku daray Ra’iisul Wasaare in AUN Gen Morgan, uu kamid ahaa saraakiishii laf-dhabarta u ahayd xilligii dowladdi dhexe Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaa lagu xasuustaa doorkii uu ka qaatay difaaca dalka.
Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in uu Alle uga baryayo marxuumka in uu ka waraabiyo naxariistiisa Janno, ehelka iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.
Leave a Reply