Sarkaal ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo isku day dil ka badbaaday.

Sarkaal ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo isku day dil ka badbaaday.

Muqdisho (Raxanreeb ) Koox  la rumaysan yahay in ay ka tirsan yihiin maleeshiyaadka Al- Shabaab ayaa weerar ku qaaday  sarkaal ka tirsan Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dawlad Gobaleedka Hirshabeelle

Weerarkan oo ahaa isku day dil oo la doonayay in sarkaalkan oo magaciisa  lagu  Xuseen Shire Jimcaale ka dhacay Degmada Dharkenley ee Magaalada Mogadisho .

Maleeshiyo  hubeysan oo Al-shabaab ah ayaa abaare habeenimadii xaley weerar ku beegsadey Sarkaalkaas oo ka tirsan saraakiisha Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dawlad Gobaleedka hirshabeelle.

Xuseen Shire Jimcaale waxaa uu ku sugnaa marka uu weerarka dhacayay gurigiisa oo ku yaaley Degmada Dharkenley balse sarkaalka waa uu ka badbaadey dilka, laakiin  weerarka waxaa lagu diley nin Sarkaalka dariskiisa ahaa oo ay ku qaldeen Xuseen Shire Jimcaale.

Dhawr jeer sidan oo kale koox hubaysan oo Al- Shabaab ah ayaa magaalada Muqdisho ka fuliyay weeraro sidan oo kale oo qaarkood ay ku dileen xubno ka  tirsan dowladda iyo maamul goboleedyada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.