SAWIRO & xog RBC uu ka helay dagaalkii ka dhacay duleedka Afgooye.

SAWIRO  & xog RBC uu ka helay dagaalkii  ka dhacay duleedka Afgooye.

Afgooye (Raxanreeb) Ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta mar kale weerar gaadma ah waxa ay ku qaadeen kooxda Al- Shabaab oo dagaal rogaal celis ah ku qabsadeen deegaanka Doonka ee duleedka degmada Afgooye.

Weriye ku sugan degmada Afgooye ayaa RBC u sheegay in deegaanka Doonka laga helay maydadka lix askari oo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ku geeriyooday weerarkii ka dhacay halkaas goor sii horeysay oo shalay ah.

Dagaalka waxaa kaloo dhaawac culculus ay uu ka soo gaaray askar ka tirsann Dowladda kuwaas oo loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Ciidanka Daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta markale weerar rogaal celis ah ku qaaday deegaankaas isla markaana ka saaray kooxda Al- Shabaab .

Deegaanka Doonka ayaa marar badan gacanta waxa ay u gashay ciidanka Dowladda iyo kuwo Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.