Muqdisho (Raxanreeb ) Golaha wada-tashiga Qaran ayaa isugu yimid shir looga hadlayo heshiiska ka yimid buuqa badan ee dhaxmaray , Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ay la gashay Somaliland.
Waxa uu ahaa shir waqtigiisa laga soo hormarayay sida ay sheegeen xubno ku dhawa Madaxtooyada Soomaaliya waxaana shir guddoominaya Xasan Sheekh Maxamuud.
Shirkan waxaa dalbaday in la isugu yimaado Madaxwaynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud , kaas oo maanta hadal u jeediyay labada aqal ee Barlamaanka Soomaaliya.
Dhinacyada ka qayb galayay shirkan oo ahaa ZOOM ayaa isku mid ah waxa ay u sheegeen in ay ka xun yihiin talabaadii uu qaaday Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ee la xiriirtay badda Soomaaliya.
Waxaa ka maqan sida xogaha ay sheegayaan Madaxwaynaha Puntland Saciid Cabdullaahi DENI oo in muddo ahba ka maqnaa shirarka Golaha wada- tashiga Qaran.
Si kastaba dhinacyo badan oo siyaasiinta Soomaaliyeed iyo madax hore ayaa diiday heshiiska is afgaradka ah ee dhaxmaray , Abiy Ahmed iyo Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Leave a Reply